Ciidanka AMISOM iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal la sheegay inuu xalay ka dhacay duleedka  garoonka diyaarada ee magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda u ah maamul goboleedka Galmudug.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-shabab ay soo weerareen ciidamada AMISOM ee katirsan wadanka Jabuuti, kuwaas oo kusan gudaha iyo duleedka Garoonka diyaaradaha oo Magaalada u jira 15-KM.

Lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug,

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowaldda ee ku sugan Garoonka ugaas Nuur ayaa sheegay in ciidamada AMISO ay fashiliyeen weerarka ay soo qaadeen Al-shabab sida uu hadalka u dhigay.