Ciidanka Jubbaland oo degaano muhiim ah kala wareegay Al-Shabaab

Ciidammada Daraawiish-ta Jubbaland oo kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kala wareegay Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-Shabaab deegaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanada ay Ciidanka Jubbaland ay la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Janaanay oo 60-KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ciidammada Dowlad Gobaleedka Jubbaland oo garabsanaya kuwa Dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamka ayaa dhowaanahan waday howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyagoona kala wareegay degaano muhiim ah.

Ciidanka dowladda Soomaaliya  iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa shalay ka ruqaansaday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose , waxana ay u jahaysteen deegaano ay joogaan Al-Shabaab. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaana dhawaan sheegay in Ciidanka Jubbaland ay bilaabayaan howgallo Shabaab looga saaraayo deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.