DEG-DEG: Farmaajo oo u yeeray Maamulkii uu u magacaabay Gedo

Wararka naga soo gaaraya Gobalka Gedo ayaa sheegaya in Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo uu u wada yeeray dhamaan Maamulada iyo Saraakiisha Ciidammada ee hoos-tagayay DFS kana howlgalayay Gobalkaas, kaddib markii ay isaga baxeen Maamulkii iyo Ciidanka Dowladda Jubbaland ee ku sugnaa degaanada Gobalkaas.

Maamuladii ay u magacowday Gobolka Gedo Villa Soomaaliya ayaa Caawa ku sugan Degmada Doolow, iyagoona maalmaha soo socda Muqdisho la iskugu keenayo.

Talaabadan ayaa ka dhigan in Madaxweyne Farmaajo uu fulinayo dalabkii Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ee ahaa in Gedo Gacanta Jubbaland la soo geliyo.