Sawirro: Qarax ka dhacay Caawa Muqdisho

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax uu goor-dhaweyd ka dhacay Isgooyska Sayidka ee Muqdisho, gaar ahaan agagaar xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen Laba Qof oo Rayid ah, kuwaas oo meesha marayay xiligii Qaraxu dhacayay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Qaraxan bartilmaameedkiisu ahaa Ciidammo katirsan Dowladda oo marayay agagaarka, balse ay gubeen inta uusan Qaruxu dhicin.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.