Dr. C/weli Gaas oo ka duulay Garoowe (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta ka duulay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, isagoona ku wajahan magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Madaxweyne Gaas ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe kusii sagootiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaano, iyo Wakiilka Puntland ee dalka Kenya Maxamed Rashiid Fagalade.

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa u mahadceliyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, isaga oo dhanka kalena shacabka Puntland guud ahaan ku dhiiro-geliyay inay adkeystaan amaanka dalka, horumarka iyo wada-jirka Puntland.