Madaxweyne Deni oo diiday inuu qaabilo Fahad Yaasiin, bahdilaadii ugu xumeyd

Madaxweynaha Dowladda PuntlandDr. Siciid Cabdullahi Deni, ayaa iska diiday la kulanka Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin, kaas oo lagu tilmaamo inuu maskaxda ka dambeysa go’aanada uu gaaro Madaxweynaha DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo.

Fahad Yaasiin oo labo jeer u soo gudbiyay dalab ku aadan la kulan Madaxweynaha Xafiiskiisa ayaa lagu wargaliyay in Madaxweyne Deni uu ku mashquulsan yahay kulamo wada-tashi oo uu la yeelanayo Madaxda DFS, mucaaradka Dowladda, & Safiirada Beesha Caalamka, kuwaas oo ah kuwo ku saabsan marxalada Siyaasadda dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa ku wargeliyay Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin inay u gudbin doonaan Madaxweynaha dalabkiisa, ayna wixii jawaab ah u soo gudbin doonaan, Wararka ayaana sheegaya in Madaxweyne Deni uu iska diiday la kulanka Fahad Yaasiin oo uu sheegay in uusan garanayay wax uu kala hadlo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, oo Talaadadii gaaray Muqdisho, ayaa wada kulamo Siyaasadeed, isagoona khamiistii khudbad ka jeediyay Golaha Aqalka Sare oo sidoo kale weydiiyay su’aalo ku saabsan Marxalada Dalka.