Maxaa kasoo baxay kulankii Farmaajo iyo Axmed Madoobe ?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe), ayaa kulan albaabadu u xiran yihiin xalay ku yeeshay Madaxtooyada Villa Soomaaliya, kaas oo looga arinsanayay sidii Labada Masuul ay isugu soo dhowaan lahaayeen.

Kulanka oo qaatay in ka badan 3 saacadood ayaa kusoo dhamaaday Is fahan, Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaana ku heshiiyay in guddi farsamo oo labo xubnood ah loo saaro Arrimaha Gobalka Gedo iyo sidii looga soo saari lahaa Ciidammada DFS.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ku balamay kulan balaaran oo saaka wada yeeshaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS ee Puntland iyo Jubbaland, kaas oo lagu sii amba qaadayo isu soo dhowaanshaha dhinacyada, Wararka ayaana sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu ogoladaay in kulanka ay kusoo biiraan Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug iyo in la helo Matalaada Ra’iisul Wasaaraha dalka uuna  magacaabi doono saacadaha soo socda Ra’iisul Wasaare cusub.