Milateriga Mali oo bilaabay wada-hadalka Mucaaridka

Taliska Militariga Mali ayaa maanta oo Sabti ah bilaabay wadahadal labo maalmood socon doona oo ay la yeelanayaan, Bulshada Rayidka, Xisbiyada mucaaridka iyo Qurbo-joogta oo looga hadlayo muddada ay militariga xilka ku wareejin doonaan dowlad shibil ah.

Shirkan oo lagu waday inuu dhaco todobaadkii hore ayaa dib u dhacay kadib markii militariga iyo xoogaga mucaaridka isku khilaafeen kaalinta ay ku yeelan doonaan wadahadalkan.

Qodobka ugu muhiimsan oo shirkan looga hadlayo ayaa ah inta ay qaadan doonto xil wareejinta Militariga Inqilaabka kula wareegay awooda dalkaasi.

Militariga ayaa markii hore sheegay inay doonayaan muddo 3 sano ah in lasiiyo inta ay xilka ku wareejinayaan, balse hada ayey sheegeen inay diyaar u yihiin in 2 sano xilka ku wareejiyaan.

Mucaaridka ayaa iyagu sheegay in xil wareejinta ku dhacdo muddo ah 18 illaa 24 bilood.

Askarta afgembiga xukunka ku qabsaday ayaa cadaadis xoogleh kala kulmaya Beesha Caalamka iyo dalalka Jaarka la ah Mali oo xayiraad kusoo rogay.