Mo Farah oo jabiyey Rikoodhka dunida ee masaafad saacad lagu ordi karo

Mo Farah oo ku soo noqday ciyaaraha orodada afar goorna noqday horyaalka Olombigga, ayaa jabiyey rikoodhka dunida ee masaafada qof ordi karo muddo saacad ah, waxaanu ku jabiyey tartanka la yidhaa Diamond League oo lagu qabtay magaalada Brussels Jimcihii.

Farah ayaa jaray masaafo dhan 21,330 mitir waxaanu sidaa ku jabiyey rikoodhkii uu dhigay sannadkii 2007 Haile Gebrselassie oo ahaa 21,285 mitir.

“Wax fudud looma haysan in la jabiyo rikoodhka dunida laakiin waxaan kuu sheegi karaa waa in ay runtii adkayd. Rikoodhkani wuxuu jiray muddo dheer” ayuu yidhi Farah.

“Markaa arintaasina wax badan bay muujinaysaa. Aad baan ugu faraxsanaa inaan tartannada ku soo noqdo. Waxa ugu weyn ee i dhiirri gelinayey wuxuu ahaa ku soo noqoshada tartanka”.

Tartankan saacadda ah waxay ku tartamaan orodyahannadu masaafada ugu dheer ee qof ku ordi karo mudo lixdan daqiiqadood ah.