Muxuu kusoo dhamaaday kulankii Farmaajo, Deni & Madoobe ?

Waxaa goor-dhaweyd soo gaba-gaboobay kulan adag oo u dhexeeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe).

Kulanka oo ahaa mid Albaabadu u xiran yihiin ayaa looga hadlay sidii ay isugu soo dhowaan lahaayeen Labada dhinac iyo sidii uu u qabsoomi lahaa Shirka wada-tashiga arrimaha doorashooyinka 2020/2021, waxaana uu kusoo dhamaaday is afgarad, sida ay u xaqiijiyeen Idil News ilo-wareedyo rasmi ah.

Wararka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu martiqaad rasmi ah u diri doono Madaxda dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed, si ay uga soo qeyb galaan Shirka Wadajirka ah ee DFS iyo DG, kaasoo maalmaha soo socda ka furmi doono Muqdisho.

Safaaradda Mareykanka oo intii uu socday kulanka qoraal soo saartay ayaa ku boggaadisay Villa Somalia inay si wadajir ah isugu keento Madaxda Dowlad Goboleedyada, si heshiis rasmi ah looga gaaro doorashooyinka dalka.