Wasiir Qowdhan oo kormeeray xarunta canshuuraha berriga Bari (Sawirro)

Wasiir ku-xigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Hon Cabdi Qowdhan Warsame, oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta cashuuraha Berriga ee Gobalka Bari.

Hon Cabdi Qowdhan Warsame, ayaa booqday Xafiisyada iyo shaqaalaha ka hawl gala xarunta Cashuuraha Berriga ee Boosaaso, isagoona sidoo kale kulan looga hadlayo hannaanka shaqo ee Cashuuraha Berriga Gobolka barri sidii loo hormsrin lahaa la qaatay Madaxda cashuuraha.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa kula dar-daarmay Madaxda iyo shaqaalaha canshuuraha berriga Gobalka Bari dardar-gelinta shaqooyinka canshuuraha.

“Waa in aynu muhiimad gaara sinaa dakhli kobcinta Cashuuraha Berriga waana dakhliga keliya ee Dawladdi ku xisaabtanto, macquulna ma ahan in aynu dakhli ka sugno Doon ama Markab mar soo xirtay, waa in aaynu dhamaan muujinaa dadaaldheeri ah oo ku aadan CashuurahaBerriga” ayuu yiri Wasiir Hon Cabdi Qowdhan Warsame.