Xeer ilaaliyaha Jubbaland oo soo saaray amaro ku socda Booliska Jubbaland (VIDEO)

Maxamed Sheikh Cusmaan, oo ah xeer ilaaliyaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa laamaha Amniga iyo Ciidanka Booliska Jubbaland  amray in ciidanka booliska Jubbaland ay raacaan hanaanka dhinaca sharciga sida marka booliska ay soo qabtaan qof eedaysane ah in uusan xabsiga lagu haynin 48 saac ka badan,hadii qof kaas lagu hello faldanbiyeedna ay 48 saac gudahood ku horkeenaan Maxkamadaha Jubbaland.

Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa sidoo kale ugu baaqay in ka madax-banaanadaan dacwadaha imaanaya Maxkamadaha oo dadwaynaha loo ogolaado in aysan dacwadooda ka bilaabin Saldhigyada ciidanka booliska balse loo baahan yahay in ay qareeno qabsadaan oo toos u hor imaadan maxkamadaha madaniga ah.

“Taliyaha Booliska iyo Taliyaha saldhiga Kismaayo waxaan u sheegaynaa,kuna wargalinaynaa in dacwadaha madaniga ah in aan booliska dhinac ka noqonin,dadkana loo tilmaamo in ay tagaan Maxkamada”sidaa waxaa u sheegay warbaahinta Jubbaland Maxamed Shiekh Cusmaan.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in ciidanka Booliska Jubbaland iyo hay’adaha amniga looga baahan yahay in sharciga la raaco oo aan loo bahnayn in qof  intii la soo xidho uu xabsiga ku jiro.