Akhriso: Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo labo qodob kaga guuleystay Farmaajo

Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland, Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa uga guuleystay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo laba qodob oo halis ku ah siyaasadisa, kadib tanaasullo uu sameeyay 24-kii saac ee ugu danbeeyay, iyadoo aan si rasmi a loo furin shirkii la filayey inuu dhex maray saddexda dhinac.

Qodobka labaad ayaa ka dhigan Shirkii Dhuusamareeb 3 oo dib loo qabanayo iyo in Madaxweyne Farmaajo uu fara-marnaan ka joogo wixii uu ka soo ansixiyey madaxda ka qeyb gashay shirkii Dhuusamareeb 3

Haddii si kale loo dhigo waxaa halis ku jira labadii arrimood ee ugu waaweynaa mustaqbalka siyaasadda Madaxweyne Farmaajo oo kala ah dib doorashadiisa oo mugdi ku jiro iyo dadaalkii uu ku bixiyey Gobolka Gedo oo natiijo la’aan ah.