Al-Shabaab oo la wareegtay Degaan katirsan Galgaduud

Wararka ka imaanaya Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyaad katirsan Ururka Al-Shabaab ay saaka la wareegeen Degaanka Cadakibir oo gobalkaas.

Degaanka oo 60-KM dhanka Bari uga beegan Degmada Cadaado ee Gobalka Galgaduud ayaa la sheegay in maleeshiyo fara badan oo tirsan soo galeen gudihiisa, Sidoo kalena hareerihiisa dageen.

Qaar kamid ah Dadka Degaanka ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta la wareegitaanka Kooxda ee Degaanka, iyagoona cabsi badan muujiyay.