Guddiga hormarinta Gobalka Bari oo Ansixiyey Ajandayaal muhiim ah (VIDEO)

Gudiga Hormarinta Gobalka Bari ayaa maanta kulankooda bilaha ahaa la qaatay Isu-duwayaasha Gobalka Bari, kaas oo la iskaga xog-wareesanayay xaalada guud ee Gobalka Bari iyo shaqooyinka ay u hayaan bulshada.

Kulanka ayaa warbixino looga dhageestay dhamaan isu-duwayasha iyagoona ka waramay waxyabihii uga qabsoomay shirkaan kii ka horeeyay.

Sidoo kale, Golaha Hormarinta Gobalka Bari ayaa maanta Ansixiyay Ajandayaal ay ku dhaqmi doonaan iyo Xeer hoosaad ay yeelan doonana Guddiga Bormarinta gobalka Bari

Guddoomiyaha Gobalka Bari Cabdisamad Abwaan oo ka hadlay shirka ayaa digniin u diray Dadka sida sharci darada ah u furanaya Goobaha Waxbarashada Iyo Gobaha Cafimaadka, waxa uuna sidoo kale Bogaadiyay Isu-duwayaasha Gobolka shaqada adag ay u hayaan Shacabkooda, Isagoona sheegay in ay muhiim tahay in laga shaqeeyo Hormarka Gobolka Bari.