Madaxweynaha Jubbaland oo khudbad ka jeedinaya Golaha Aqalka Sare

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Islaam lagu wadaa inuu maanta la kulmo Guddoonka Aqalka Sare iyo Guddiga Joogtada ee Golaha.

Kulanka ayaa la filayaa in Madaxweynaha Jubbaland uu khudbad dheer ka jeediyo sidoo kale Senatorada Aqalka Sare ay su’aalo dhowr ah ku weeydiiyaan.

Axmed Madoobe ayaa tan iyo markii uu yimid Muqdisho Talaadadii dhaq dhaqaaqiisa ahaa mid xadidnaa, isagoo hoyga uu ka degay nawaaxiga Madaxtooyada ka waday kulamo gaar gaar ah.

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa dhowaan la kulmay Guddoonka Aqalka Sare iyo Guddiga Joogtada ah, Isagoona ka jeediyay khudbad adag oo uu uga hadlay xaalada dalka, kuna adkeeyay carabka inay muhiim tahay in la helo Isbedel dhab ah.