Mid kamid ah Ehelada Aas-aasihii Al-Qaacida oo taageertay Trump

Noor Bin Ladin oo uu abti u yahay Osama Bin Ladin ayaa taageertay musharaxnimada madaxweyne Trump ee doorashada dalka Mareykanka.

Wareysi ay siisay mid ka mid ah jaraa’idka Mareykanka ayey ku sheegtay in “Weerar kale oo la mid ah kii September 11, uu yahay mid dhow oo dhici kara haddii ay noqoto in Joe Biden loo doorto madaxweynaha Mareykanka.

Warbaahinta Mareykanka ayaa aad u hadal haysa hadalka ka soo yeeray Noor Bin Ladin, waxaana boggaga hore ee wargeyska ka muuqda sawirka iyadoo xiran koofida uu caan ku noqday Trump ee uu ku qoran yahay halku dhega ah “Make America Great Again”.

Noor Bin Ladin waxaa iska dhalay oo ku nool dalka Switzerland ayaa waxaa iska dhalay ganacsade Carmen Dufour, oo ah qoraa reer Switzerland iyo Yeslam bin Ladin, oo ay isku aabe yihiin Osama.