Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Africa

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa la sheegay inay toogasho ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida Ganacsi ahaan u tegay dalkaas.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Qasaali Axmed Shuuriye ayaa Kooxaaha Burcada ah waxaa ay ku dileen meel aan ka fogeen Goobtiisa Ganacsi oo ku taalla deegaanka Butterworth oo hoos yimaada Magaalada East London Ee Dalkaasi Koonfur Afrika.

Mid kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in ragga dilka u geystay Muwaadinka Soomaaliyeed ay goobta ka baxsadeen,isla markaana ay iyaga goobta ka qaadeen meydka marxuumka.

Dalka Koomfur Afrika ayaa waxaa sanad walba si bareer ah loogu dilaa Soomaalida ku Ganacsatada, waxaana todobaadkii hore ay aheyd markii muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay Gudaha dalkaas mid kalena lagu dhaawacay.