Puntland oo shaacisay kiisas cusub oo COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa shaacisay in 2 Ruux oo cusub laga helay cudurka COVID-19, kaddib baaris lagu sameeyay 25 qof oo looga shakiyay cudurkan safmareenka ah.

Dadka laga helay cudurka COVID-19 oo dadoodu u dhexeyso 26 sano jir illaa 35 jir, ayaa kunool magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaana sheegtay in 1 qof uu cudurka ka bogsaday cudurka.

Tirada guud ee dadka laga helay cudurka COVID-19 gudaha Puntland ayaa hada gaartay 405 qof, waxaa u dhintay 9 ruux, halka ay ka bogsadeen 208 qof.