Sii-hayaha Wasiirka Batroolka XF Soomaaliya oo fadeexad wajahaya (Akhriso)

His Excellency Abdirashid Mohamed Ahmed is the Minister of Petroleum and Mineral Resources of The Federal Republic of Somalia.

Sii-hayaha Wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed waxaa kusoo baxday fadeexad kadib markii uu gabadhiisa xil uga magacaabay wasaaradda Batroolka.

Wasiir Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa Bilowgii bishaan gabadhiisa oo la yiraahdo Sumaya Cabdirashiid Maxamed u magacaabay Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, kadibna wuxuu amray in dhamaan xiriirada Wasaaradda ay maamusho .

Bishii lasoo dhaafay Gudoomiyaha Guddiga Batroolka Soomaaliyeed Ibraahim Cali Xuseen ayaa sameeyay xiriiro caalami ah uu la yeeshay Shirkado iyo Hay’ado ku lug leh arrimaha shidaalka iyo Qandaraasyada lagu iibinaayo xirmooyinka shidaal ee la baarayo.

Talaabadaas ay guddiga qaadeen waxey wasiirka ku qasabtay inuu magacaabo madaxa xiriirka iyo warbaahinta kana dhigo gabadhiisa si uu xaalad walba ula socdo.