Wasiir Tima-cadde “Ma jiro shir gaar ah oo u furmaya Farmaajo, Deni & Madoobe”

Puntland ayaa shaacisay inuusan jirin shir rasmi ah oo dhexmari doona madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland marka laga yimaado kulamo gooni gooni ah.

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi ayaa ii sheegay inuu dhowaan furmi doono shir u dhexeeya madaxda DFS iyo dowladaha xubnaha ka ah aysanna jirin qodobo hadda lagu kala durugsan yahay.