Wiil dhowaan ka qalin-jabiyay Jaamacad oo lagu dilay Muqdisho

Koox burcad ah oo moobeelada dadka dhaca ayaa Xalay xaafada Buulo Xuubey ee degmada Wadajir ku dilay Wiil dhalinyaro ahaa oo dhawaan ka qalin badashay mid kamid ah Jaacamadaha ku yaall Magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Xuseen Nuur (Axmed Keyse) dhawaana difaacday buugga qalin jebintiisa oo uu dhawan u dabaal dagay.

Dad badan oo isticmaala baraha bulshada dhawaana soo dhigay dabaldagiisa ayaa hada maanta soo dhigaya Geerida naxdinta leh.

Ehelada Marxuumka ayaa sheegay Kooxda burcada dilkiisa kadib iney qaateen moobeelkii uu watay oo markii hore ka doonayeen.