Axmed Madoobe “Dadka oo dhan qandhada hadda haysa waa tan doorashadda” (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, oo khudbad ka jeedinayay Munaasabad lagu soo dhaweynayo Isaga iyo Madaxweynaha Puntland oo haatan ka socota Muqdisho, ayaa sheegay in aysan ka tageyn Magaalada Muqdisho illaa heshiis laga gaaro Arrimaha Doorashooyinka Dalka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Arrimaha Doorashooyinka ay yihiin walaaca ugu badan ee Dalka ka jira, ahmiyadna ay siinayaan in heshiis laga gaaro Hanaanka loo galayo iyo in ay waqtigeeda ku dhacdo, isagoona intaas ku daray “Dadka oo dhan qandhada hadda haysa waa tan doorashadda”.

Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlayay gogashii iyo in lagu laabanayo Dhuusamareeb si loo siiyo maamuuska ay mudan yihiin Dadka Degaanka ayaa yiri Axmed Madoobe” Haddii aad Dhuusamareeb hala aado tiraahdaan raga wax kala qabtaa la rabaa xamarna waxaa jooga abtiyaal iyo adeerayaal”.