Banaan-baxyo lagu dalbanayo inay Cadaalad hesho AUN Hodan Shanlayste oo ka dhacay Garoowe (VIDEO)

Banaan-baxyo looga soo hor-jeedo xukunkii dhowaan Maxkamadda darajada 1-aad ee Gobalka Nugaal ka gaartay Kiiskii kufsiga iyo dilka ahaa ee AUN Marxuumad Hodan Shanleyste, ayaa ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Dadka banaan-baxa dhigayay oo u badnaa Haween ayaa la maray Waddooyinka waa weyn ee Garoowe boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay ku dalbanayaa inay Cadaalad hesho Marxuumad oo Hodan Shanlayste oo aheyd oo Hooyo dhashay labo Carruur ah.

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=797275094144463&id=100015859397338

Maxkamadda darajada 1-aad ee Gobalka Nugaal ayaa dhowaan sii deysay 6 kamid ah 7 Eedeysane oo loo heystay Kiiskan kufsiga iyo dilka ahaa ee AUN Marxuumad Hodan loo geystay kaddib baaris dheecaanada DNA-ga ah oo ay sameysay Hay’adda Sheybaarka Sharciga ah ee Ferensis, Seyniska Puntland, oo cadeeysay in aysan ku lug laheyn.