Beelaha Hawiye oo qado-sharaf u sameynaya Deni iyo Axmed Madoobe

Munaasabad qado soo dhoweyn ah oo Beelaha Hawiye ugu sameeyeen Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa goor dhow ka bilaabanaya Hotelka Doorbin ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan oo ah mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa xubnaha ka qeyb galaya ka mid ah Madaxweynayaashii hore ee dalka, Wasiiro, Xildhibaano, Isimo, Waxgarad iyo Siyaasiyiin kale oo horey xilal Dalka uga soo qabatay.

Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland iyo Madaxdii hore ee Dalka ayaa lagu wadaa inay Munaasabadda ka jeediyaan khudbaddo ku aadan soo dhaweyn, mahad-celin, iyo Marxalada Dalka, gaar ahaan Doorashooyinka 2020/2021.