Booliska Kismaayo oo gacanta ku dhigay Koox burcad ah (VIDEO)

Taliska Ciidammada Booliska Kismayao ayaa sheegay in dad farabadan oo Shacab ah laga dhacay taleefoonadooda, isla markaana Ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen Kooxo Burcad ah oo dhac geysanayay.

Taliyaha Booliska Magaalada Kismaayo Gaashaanle Warsame Axmed Geelle, ayaa sheegay in ay sameeyeen howlgallo looga hortagayay Kooxaha Burcadda ah ee hubeysan, ayna tira kamid ah ay gacanta ku dhigeen, halka qaar kalena ay ku dabajiraan.

Ugu dambeyn, Taliyaha Qeybta Booliska Kismaayo Shacabka ku nool Magaalada Kismaayo ayuu ugu baaqay inay laamaha Ammaanka la Shaeeyaan si loo sugo Amniga Magaalada oo maalmahaan cabasho uga imaaneysay.