CC Warsame “Madaxweyne Deni dadkuu ku qaabilay Muqdisho, Farmaajo..” (VIDEO)

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo khudbad ka jeediyay Munaasabad lagu soo dhaweynayay Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland ayaa ka hadlay xaalada dalka.

“Madaxweyne Sacii Deni iyo Madaxweyne Axmed bulshada qeybaheeda aad qaabisheen oo aad dareenkooda dhageysteen, saddexdii sano iyo barkii la soo dhaafay ma qaabilin Madaxda hadda talada heysa” ayuu yiri Siyaasi C/raxmaan C/shakuur.