Ciidammada Dowladda oo ku dagaalamay Beledxaawo (Sawirro)

Ciidammada Gorgor ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay geysay Gobalka Gedo iyo Booliska Degmada Beled-xaawo ayaa ku dagaalamay bartamaha Beledxaawo.

Dagaalkan oo ay ku dhinteen ugu yaraan 4 Ruux ayaa yimid kaddib markii Ciidammada Gorgor ee Dowladda ay dileen mid kamid ah Askar Booliska Beledxaawo, Sidoo kalena ay dhaawaceen mid kale, sida ay kusoo waramayaan dadka Degaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu ka dhashay Abaabul ay wadeen Booliska Beledxaawo oo looga soo hor-jeedo Heshiiskii ay gaareen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, kaas oo ku aadan in Gobalka Gedo lagu soo celiyo gacanta Jubbaland.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.