Deni “Gogosha Dhuusamareeb annaga weli waa noo furan tahay” (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa khudbad ka jeediyay kulanka soo dhoweyn ah oo loo sameeyay Madaxweynayaasha Dowladdaha Puntland iyo Jubaland.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa ka hadlay xaalada dalka, isagoona sheegay inay lama huraan tahay inuu dalku galo doorasho, maadama ay aheyd sune saldhig u ah Xasiloonida dalka in afartii sanaba dalku doorasho galo.

“Doorashada inay afartii sano ay mar dhacdo waa Udub dhexaadka xasilloonida siyaasadeed ee maanta ummaddu heysato” ayuu yiri Madaxweyne Deni.