Golaha Wasiirada ee xilka Sii-haya oo kulan deg deg ah la isugu yeeray

Golaha Wasiirada ee xilka sii-haya ayaa la isugu yeeray shir aan caadi aheyn 2-da duhurnimo maanta oo Isniin ah, labo jeer oo farriimo loo diray xalay illaa saaka ayaa lagu wargeliyay Wasiirada xilka sii-haya inay isugu yimaadaan Shir aan caadi aheyn, lama oga waxa shirka maanta ku soo beegay, iyadoo magaalada Muqdisho ka socdeen maalmihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed iyo shirar ay hormuud ka ahaayeen Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Golaha Wasiirada ee xilka haya ayaa ansixiyay go’aano iyo hindise sharciyeedyo mugdi ku jira, tan iyo markii la riday Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Kheyre, waxaana la duray sharciyadda Xukuumad Xil Gaarsiineed ay u leedahay inay go’aano gaarto, iyadoo dalka Xukuumad rasmi ah ka jirin, isla markaana Madaxweynuhu aanu weli soo magacaabin Ra’iisul Wasaare.