Kismaayo: Qarax Ismiidaamin ah oo lala beegsaday Ciidammo Soomaali iyo Mareykan ah

Qarax Ismiidaamin ah ayaa lagu eegtay Degaanka Janaay Cabdalla ee Gobalka Jubbada dhexe Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidammada Jubbaland, kuwa Dowladda Soomaaliya iyo Ciidammo Mareykan ah.

Qaraxan oo ahaa mid weyn ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray Ciidammada, kuwaas oo xilliga la weerarayay waday howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga Degaanka Janaay Cabdalle oo ah degaan Istiraaji ah una jira Magaalada Kismaayo 60-KM, kaas oo dhowaan ay la wareegeen Ciidammadu.

Wararka ayaa intaas ku daraya in gaariga qarxay uu soo dhex-galay safka Kolonyada Ciidanka, si kadis ahna uu isku qarxiyey.

War qoraal ah oo lagu qoray baraha dhinaca Internet-ka Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen mas’uuliyada qaraxaas ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo, iyagoona xusay in Diyaarado Helikobtar ah Meydad iyo dhaawacyo lagu geeyay Kismaayo.