Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo la shirsan Beelaha HAWAIYE (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, iyo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, oo ku sugan Muqdisho ayaa ka qeyb-galaya Munaasabad Qado-sharaf ah oo lagu soo dhaweynayo, taas oo ay soo qaban-qaabiyeen Beelaha Hawiye, kana socota Muqdisho.

Madaxweynayaashii hore ee dalka Cali Mahdi & Hassan Sheikh Mohamud ayaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe Madasha ay ka socoto qado-sharafta.