QoorQoor, Lafta-gaareen iyo Waare oo ku shiraya Baydhabo

Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa Shir ku yeelanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee KGS, kahor inta aysan imaan Magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland uuna ka furmayo Shirka lagu go’aamin doono Hanaanka Doorashooyinka Dalka ee 2020/2021.

Shirka Baydhabo oo uu dabada ka riixayo Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu furmo maalmaha soo socda, waxaana uu socon doonaa muddo 48 saac ah, iyadoona QoorQoor, Lafta-gareen iyo Waare soo saari doonaan War-murtiyeed ay ku sheegi doonaan inay tagayaan Muqdisho, kuna dalban doonaan in lagu dul shaqeeyo Heshiiskii Dhuusamareeb.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ka maqan Muqdisho ayaa wajahaya culeys uga imaanaya Beesha Caalamka, kaas oo ku aadan qabsoomida Shirka Muqdisho iyo in si Wadajir ah loo soo saaro heshiis loo dhan yahay oo ku aadan Doorashooyinka Dalka.