Agaasimaha Sirdoonka Puntland oo ka qeyb-galay kulan ka dhacay Boosaaso (VIDEO)

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Iyo Nabad Sugida Ee Puntland Mukhtar Maxamed jeyte, ayaa ka qeyb-galay kulan ka dhacay magaalada Boosaaso, kaas oo u dhexeeyay Maamulka Gobalka Bari iyo Warbaahinta ka howlgasha Gobalka.

Kulanka oo uu soo qaban-qaabiyay Gudoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, uuna goobjoog ahaa Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa Ujeedkiisu ahaa is barasho, dar-dargalinta howlaha shaqo ay hayaan dhammaan warbaahintu iyo Sidii loo xoojin laha xiriirka Warbaahinta Iyo Maamulka Dowladda.

Sidoo kale, kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii si dhow ay u wada shaqeyn lahaayeen Laamaha ammaanka Puntland iyo Suxufiyiinta, la isagana kaashan lahaa Adkeynta Amniga iyo wacyi-gelinta bulshada.

Guddoomiyaha Gobalka Bari Cabdisamad Abwaan ayaa intii uu socday kulanka la hadlay warbaahinta waxaana uu ku bogaadiyay shaqada adag ay u hayaan Shacabkooda, isagoona uga mahadceliyay soo Ajiibada Kulankan ay soo ajiibeen.