Al-Shabaab oo la wareegtay Degmada Balcad

Wararka ka imanaya magaalada Balcad ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ay xoog ku galeen magaaladaasi.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay markiiba la wareegeen xarumihii dowladda hoose ee magaalada, sida xarunta dhexe ee maamulka iyo saldhiggii booliskaba, iyaga oo xabsiga ka sii daayey dad badan.

Ciidammada dowladda ee halkaas ku sugnaa oo markii hore iska caabiyay ciidammada weerrarka ahaa ayaa la sheegayaa in markii dambe ay dib uga gurteen daanta ay magaalada ka deggan yihiin ciidammada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Qaar ka mid ah dadka magaaladaasi ayaa sheegaya in badhtamaha magaalada ay ku arki karaan ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

Lama oga khasaaraha dhabta ah, xaaladduse hadda waa mid deggen.