Bangiga Adduunka oo Agaasime cusub u soo magacaabay dalal ay ku jirto Somalia

Bangiga Adduunka ayaa u magacaabay Keith Hansen inuu noqdo agaasimaha cusub ee waddamada Kenya, Rwanda, Somalia iyo Uganda laga bilaabo 8-da bisha Sebtember.

Keith Hansen oo ah garyaqaan u dhashay dalka Mareykanka iyo aqoonyahan siyaasadeed ayaa haysta 30 sano oo khibrad ah, isagoo shaqooyin kala duwan kasoo qabtay Bangiga Adduunka.

Magacaabistiisa waxay timid xilli dowladaha Kenya, Ruwanda, Soomaaliya, iyo Ugandha ay wajahayaan saameyn caafimaad iyo mid dhaqaale oo dhow iyo mid dheerba ee dhibaatada Covid-19.

Waxaa la filayaa inuu gacan ka geysto sidii loo gaari lahaa koboc dhaqaale oo waara iyo yareynta saboolnimada, iyadoo si gaar ah xoogga loo saarayo soo kabashada Covid-19.

Horraantii sannadkan, Bangiga Adduunka wuxuu Kenya u oggolaaday amaah hal bilyan oo doollar ah (Sh108 bilyan) si looga caawiyo inay soo afjarto dhimista miisaaniyadda, isla markaana ay wax uga qabato dhibaatooyinka dhaqaale ee ka dhashay cudurka faafa ee coronavirus.

Mr Hansen wuxuu badali doonaa Carlos Felipe Jaramillo oo loo badalay inuu noqdo kuxigeenka Bangiga Aduunka ee Latin America iyo Caribbean.