Ciidanka Dowladda oo dib ula wareegay Balcad & Taliska Xoogga Dalka oo ka hadlay

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay in ay ka horteegeen weearr qorsheysan oo Al-shabaab ay isku dayeen inay kusoo qaadan Degmada Balcad, ayna khasaaro gaarsiyeen.

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Shabaab oo socday muddo ku dhow saacad iyo bar ayaa ka dhacay gudaha Balcad, isla markaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ay baahisay 14 dagaalame oo ka tirsan Shabaab, ayna ku jiraan Saraakiil, waa sida hadalka loo dhigay.

Dhinaca kale war qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen inay Degmada Balcad gudaha u gleen, isla markaana ay la wareegeen Saldhiga Degmada, sidoo kalena ay halkaas kasii daayeen Maxaabiis ku xirneyd.

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in xaaladda degmada haatan ay degan tahay, sidoo kalena ay furan yihiin goobaha ganacsida degmada, iyadoona gudaha Magaalada ay ku sugan yihiin Ciidamo farabadan.