Madaxweyne Deni “Goodax waxba kalama socdo Waxbarashada Dalka ee Dadka yuusan niyad jabin” (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo jeediyay khudbadiisii bilaha aheyd ee la hadalka Dadweynaha ayaa si adag uga hadlay Natiijadii dhawaan kasoo baxday Imtixaankii ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Muqdisho ay tahay caasimad ay kunool yihiin dadkii ugu tayadda wanaagsan dhanka macalimiinta, sidoo kale ku yaallaan iskuullo sanado badan shaqeynayay oo  leh hanaan Waxbarasho oo lagu kalsoonaan karo.

Sidoo kale, Deni ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in la sheego in uu iskuullo la og yahay baahiyaha ay qabaan oo gobolada ku yaalla in kaalimaha koowaad ay galeen.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa sheegay in Wasiir Goodax uusan waxba kala socon Waxbarashada dalka, loona baahan yahay in uusan niyad jabin waalidiinta Caruurtooda lacagta wax kusoo baray, Isagoona intaas ku daray in markii horaba ay aheyd Sharci daro in imtixaan ay qaado Wasaaradda dhexe xilli ay jiraan Dowlad Goboleedyo.