Madaxweyne Deni oo kulamo ka wada Muqdisho (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay, Xubno isugu jira Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Guddoonka Ururka Haweenka Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale.

Kulanka ayaa is-xogwareysi ku aadan xaalada dalka, Haweenka ayaana Madaxweynaha Dowladda Puntland la wadaagay dareenkooda iyo Talooyin, iyagoonka ka codsaday in dalka loo jiheeyo dhowrista Dilmuquraadiyadda ay kusoo hana-qaaday Soomaaliya wixii ka dambeeyay Burburkii.