Mali: Milatariga oo lagu amray inay ku soo magacaabaan hoggaamiye rayid ah

Milatariga xilka ka qaaday madaxweynaha Mali ayaa la siiyay muddo hal toddobaad ah ilaa 15-ka September si ay u soo magacaabaan madaxweyne rayid ah oo hoggaamiya dowladda ku meel gaarka ah.

Hoggaamiyeyaasha Ururka Galbeedka Afrika, Ecowas, ayaa sheegay in madaxweynaha rayidka ah ee la soo jeediyay iyo ra`iisul wasaaraha ay horseedi doonaan doorasho cusub.

Milatariga ayaan weli ka jawaabin arrintaas oo ay soo jeediyeen siddeed ka tirsan madaxda dalalka Galbeedka Afrika oo shalay shirk u yeeshay caasimadda dalka Niger ee Niamey.

Ecowas ayaa dooneysa in dowlad lagu soo dhiso muddo sanad ah, balse junta ayaa dooneysa “waqti macquul ah” waxayna soo jeediyeen ugu yaraan labo sano.

Milatariga ayaa wadahadallo la yeelanayay hoggaamiyeyaasha siyaasadeed.

Madaxweynihii xukunka laga tuuray Ibrahim Boubacar Keïta ayaa u duulay dalka Imaaraatka Carabta halkaas oo lagu daweynayo, kaddib markii uu xanuunsaday.

Milatariga ayaa xiray wuxuuna is casilay 18-kii August kaddib bilooyin ay dibadbaxyo socdeen.