QoorQoor iyo Waare oo maanta ku wajahan Baydhano

Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Hirshabelle Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor iyo Maxamed Cabdi Waare, ayaa maanta ku wajahan Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Ujeedada Socdaalka Labada Madaxweyne ayaa ku ku qotonta Shir ay ku yeelanaya Baydhabo Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, kahor inta aysan tagin Magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland uuna ka furmayo Shirka lagu go’aamin doono Hanaanka Doorashooyinka Dalka ee 2020/2021.

Shirka Baydhabo oo uu dabada ka riixayo Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu furmo maalmaha soo socda, waxaana uu socon doonaa muddo 24 saac ah, iyadoona QoorQoor, Lafta-gareen iyo Waare soo saari doonaan War-murtiyeed ay ku sheegi doonaan inay tagayaan Muqdisho, kuna dalban doonaan in lagu dul shaqeeyo Heshiiskii Dhuusamareeb.