VIDEO: Waare oo shaaciyay Ujeedka Safarkiisa, & Shirka Baydhabo

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray maagalada Baydhabo ee caasimadda KMG u ah ee Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Waare oo ka hadlayay Ujeedka Socdaalkiisa Baydhabo ayaa sheegay inay u tagay ka qeyb-galka Shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan Madaxweyneyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, kaas oo ay ku xoojinayaan mowqifkooda go’aanada Shirkii Dhuusa-mareeb (3), maadama ay Muqdisho ay uga qeyb-galayaan Shir lagu go’aaminayo Doorashooyinka dalka oo ay isugu imaanayaan Madaxda DFS & Dowlad Gobaleedyada.