Villa Somalia oo ku dhawaaqday xilliga uu furmayo Shirka Madaxda DFS & Dowlad Gobaleedyada

Madaxtooyada Villa Somalia ayaa iclaamisay in maalinta Khamiista oo taariikhdu tahay 10 bisha September uu dhici doono Shir ay u dhan yihiin Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, kaasoo lagu dhammeystirayo hannaanka doorashooyinka dalka, sida uu shaaciyay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

Qoraalka Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo magaalada Baydhabo uu shir uga furmayo Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle & Koonfur Galbeed, kuwaas oo ku shaacinaya Shirkooda inay tagayaan Muqdisho.