Wasiiro katirsan Puntland oo gaaray Degaanka Laanmadow (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Puntland C/llaahi Cabdi Xirsi, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray Degaanka Laanmadow ee degmada Bursaalax ee Gobolka Mudug.

Ujeedka safarka Waftiga Wasiirka oo ay kamid ahaayeen Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Haweenka, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale, ayaa ku saabsan wacyi galinta dhismaha Golaha deegaanka Degmada Bursaalax ee Gobalka Mudug.