William Ruto oo kula-taliyay Ganacsatada qaadka Kenya inay beertaan khudaar

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Kenya William Ruto, oo ka hadlay telefishinka maxalliga ah ee Weru TV, ayaa sheegay inaysan jirin qorshe dhow oo dib ugu furmayo suuqa ganacsatada Qaadka ee Soomaaliya.

William Ruto ayaa caddeeyay wada-hadallo arrintaa laga galo inay dib u dhigeyso xaaladda Doorasho ee ka taagan Soomaaliya.

Wuxuu kula taliyay ganacsatada qaadka inay beerashadooda u weeciyaan miraha macadamia iyo avocado oo suuq leh, isagoo wasaaradda Beeraha u jeeddiyay inay ka taageerraan beeraleyda wax soosaar cusub.

Madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa tilmaam ka bixiyay sida ay dowladiisa ugu guul darreysatay in lagu qanciyo Dowladda Soomaaliya inay xayiraada ka qaado Qaadka.