Akhriso: Xeer ilaaliye cusub oo loo magacaabay baarista tacadiyadda Suxufiyiinta

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaran Dr Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa xeer-ilaaliye u gaar ah u magacaabay Saxaafadda si baaris loogu sameeyo, gacantana loogu soo dhigo kuwii soo abaabulay, qorsheeyay iyo kuwii fuliyay dilalka iyo waxyeelaynta ka dhanka ah Suxufiyiinta.