CC Warsame “Shaqo joojinta ka socota Ciidanka waa dano siyaasadeed iyo eex qabiil”

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ee Mucaaradka ah C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa walaac ka muujiyay waxa uu ugu yeeray isku milanka Taliska Nabadsugida iyo Taliska Xoogga dalka.

Qoraal uu bartiisa Facebook uu soo dhigay ayuu ku sheegay in Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka uu toos uga amar qaato Taliyaha Nabadsugida, isagoo intaa ku daray in amarada xil ka qaadis, dalacsiin, shaqo ka joojin iyo bedelaad maalmihii la soo dhaafay ka socotay Ciidanka Xoogga dalka  ay ahaayeen kuwo loo adeegsanayo dano siyaasadeex, eex qabiil iyo ku takrifal awoodeed.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka C/raxmaan C/shakuur:-

Waxaan walaac xoog leh ka muujineynaa isku milanka Taliska Nabadsugidda (TN), iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka (CXD). Waxaa xog ku haynaa in taliyaha CXD uu toos uga amar qaato TN.

Amarrada xil ka qaadis, dalacsiin, shaqo ka joojin, iyo beddelaad ee maalmihii la soo dhaafay CXD ka dhex socotay waxay ahaayeen kuwo u adeegaya dano siyaasadeed, eex qabiil iyo ku takrifal awoodeed.

Saraakiisha xirfadda ciidan leh ayaa lagu beddelayaa kuwo daacad u ah Madaxweynaha iyo taliskiisa Nabadsugidda. Waxaa la tijaabiyaa daacadnimada saraakiisha sar sare ee ciidanka. Waxaa la soo reebayaa intii heyb qabiil iyo daacadnimo la hubo leh.

Sababta ugu wayn ee loo burburinayo xirfadda ciidanka, loona baabi’inayo mirihii dib u habeynta, waa in loo adeegsado sad-bursi siyaasadeed iyo ku takrifal awoodeed.

Waxaan ugu baaqeynaa saraakiisha ciidanka, gaar ahaan taliska CXD in ay danta Qaranka ka hormariyaan danaha shakhsiga ah, damiirkoodu hago, ilaashadaan diiwanka xirfaddooda shaqo ee mustaqbalka, daacadna qaranka u ahaadaan, kuna xisaabtamaan in ay tirsanyihiin maalamaha ka harsan muddo xileedka madaxweyne Farmaajo iyo taliskiisa nabadsugidda.