Karaash oo xariga ka jaray dhismayaal cusub oo lagu kordhiyay Wasaaradda Amniga (VIDEO)

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daahfuray dhismayaal cusub iyo dib u dayactir lagu sameeyey Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta ee Dowladda Puntland.

Munaasabadda xarig-jarka ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiinta Wasaaradda Amniga, Wasiiro, Xildhibaano, xubno ka socda Garsoorka, saraakiisha laamaha Amniga, waxgarad iyo masuuliyiin kale.