Madaxweyne QoorQoor oo weerar afka ah ku qaaday Deni & Madoobe, baaqna u diray Farmaajo (VIDEO)

Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaarie (QoorQoor), oo ka hadlayay Shirka Wada-tashiga iyo Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ee ka socda Baydhabo ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Madaxweyne QoorQoor ayaa Sheegay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ay diideen ka qeyb-galak shirkii Dhuusamareeb3, iyaga oo shuruud uga dhigay in dalka uusan Ra’iisul Wasaare laheyn, hayeeshee iyada oo weli la magacaabin Ra’iisul Wasaare ay tageen Muqdisho.

Sidoo kale, Madaxweyne Qor Qoor ayaa ugu baaqay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland in ay la yimaadaan qorshayaal cad si wada-hadallada au miro dhalaan.

Ugu dambeyntii, Ahmed Abdi Kaarie (QoorQoor) Madaxweynaha Galmudug ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo soo dhiso Xukuumad cusub ee Dalka.