Mareykanka oo ka digay Siyaasadeynta Dib-u-habaynta Ciidanka Soomaaliya

Mareykanka ayaa sheegay inuu taageerayo dib u habeynta qeybta Amniga oo horseedaya mustaqbal ifaya Soomaaliya iyo Soomaalida oo dhan.

Farriin lagu qoray barta Twitter-ka ee Safaaradda Mareykanka oo aanay caddeyn cida loo waday ayaa u qornaa sidan:-

“Mareykanak wuxuu taageerayaa dib u habeynta qeybta Amniga Soomaaliya oo horseedeysa mustaqbal ifaya Soomaaliya iyo Soomaalida oo dhan, musuq maasuqa iyo qaraabo-kiilka waxay dhaawacayaan horumarka, waxayna wiiqeysa amniga dadka Soomaaliyeed, iyadoo xoojineysa Cadawga”

Farriintan ayuu Mareykanka ku soo beegay, iyadoo dalku ku jiro xilli kala guur ah, oo aanu dalku laheyn Ra’iisul Wasaare muddo 45 cisho ah, sidoo kale qoraalka ayaa u muuqday farriin toos ah oo ku socday Milateriga Soomaaliya, kaddib markii ay soo baxday warar sheegaya in shaqo joojin lagu sameeyay Taliyihii Ciidanka DANAB ee uu Mareykanka tababaro oo lagu magacaabayay Ismaaciil oo ku heyb ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre

Sidoo kale waxaa dhowaan is casilay Mas’uulkii qeybta dib u habeynta amniga u qaabilsanaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kaasoo ka cabanayay faragelin uu sheegay inuu uga imaanayay La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha.

Dhinaca kale La Taliyaha Amniga Qaranka Cabdisaciid oo qoraal u muuqday mid jawaab ah ku soo qoray bartiisa Twitter-ka ayaa ku sheegay inay ku boggaadinayaan taageerada Saaxibada Caalamiga.